Wararka iyo Ogeysiisyada

News and announcements

3 sawir · photos
25 Oct 2026
Hargeysa, Sabti, 24-ka Oktoobar 2026: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qaybgalay sannad-guuradii koowaad ee Ururka We Invest, oo ka shaqeeya maalgelinta iyo horumarinta haweenka leh ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe. Munaasabadda ayaa lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Wasiir Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa khudbad uu ka jeediyey madasha ku sheegay in labadii sannadood ee u dambeeyey Wasaaraddu xoogga saartay horumarinta ganacsiyada yaryar, kuwa dhexe iyo iskaashatooyinka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayey haweenka leh ganacsiyada yaryar. Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu tababbarro lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha ganacsi u qabatay 464 xubnood, kuwaas oo 298 ka mid ahi yihiin haween, una dhiganta 64.2% guud ahaan ka-faa’iidaystayaasha. Tababarradu waxay diiradda saareen maaraynta ganacsiga, xisaabaadka, suuq-geynta, daryeelka macaamiisha, hoggaaminta, xalinta khilaafaadka iyo dib-u-habaynta xeerarka iskaashatooyinka. Waxa uu intaa ku daray in tababarradani qayb ka yihiin dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo awoodda maamul iyo ganacsi ee haweenka iyo ganacsatada kale, laguna abuurayo fursado shaqo, korna loogu qaadayo koboca dhaqaalaha dalka.

Hargeisa, Saturday, 24 October 2026: The Minister of the Ministry of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland attended the first anniversary celebration of We Invest, an organization dedicated to financing and supporting the development of women-owned micro, small, and medium-sized enterprises (MSMEs). The event was held at the Ambassador Hotel in Hargeisa.

Minister Abdirahman Hassan Nur, Minister of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland, stated in his speech at the event that over the past two years, the Ministry has focused on developing micro, small, and medium-sized enterprises (MSMEs) and cooperatives, with particular priority given to women-owned small businesses. The Minister noted that the Ministry had provided business training to 464 participants, of whom 298 were women, representing 64.2% of the total beneficiaries. The training covered business management, accounting, marketing, customer care, leadership, conflict resolution, and the revision of cooperative bylaws. He added that these training programmes form part of the Ministry’s ongoing efforts to strengthen the managerial and business capacities of women and other entrepreneurs, create employment opportunities, and contribute to the growth of the national economy.

3 sawir · photos
13 Oct 2026
Hargeysa- Axad, 13 October- 2026,Kulanka Wacyigelinta iyo Tababarka Xirfadaha Hoggaaminta, Xallinta Khilaafaadka, Dejinta iyo Dib-u-habaynta Xeer-hoosaadka 27 ka mid ah masuuliyiinta iyo xubnaha Iskaashatada Xoolo-dhaqato-beeraleyda ee Deegaanka Maygaagta, Degmada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jsl mudane Maxamed Xuseen Aadan (Jabaake) ayaa Hoolka Wasaaradda ka furay tababar ku saabsan hoggaaminta, xalinta khilaafaadka iyo dib-uhabaynta xeerarka iskaashatada. Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Horumarinta Ganacsiyada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka ayaa loo qabtay 27 ka mid ah masuuliyiinta iyo xubnaha Iskaashatada Xoolo-dhaqato Beeraleyda ee Maygaagaha, oo ka tirsan Degmada Hargeysa. Agaasimaha Guud oo madasha hadal kooban ka jeediyey ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay horumarinta iskaashatooyinka dalka, xoojinta maamulkooda iyo kobcinta doorkooda ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo isku-filnaanshaha bulshada.

Hargeisa- Tuesday, 13 October 2026,Awareness and Training Session on Leadership Skills, Conflict Resolution, and the Development and Revision of the Bylaws of the Maygaagta Pastoral and Agricultural Cooperative in Hargeisa District.

The Director General of the Ministry of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland, Mr. Mohamed Hussein Aden (Jabaake), officially opened a training session at the Ministry’s Conference Hall on leadership, conflict resolution, and the revision of cooperative bylaws. The training was organized by the Department of MSMEs and Cooperatives Development for the leaders and members of the Maygaagaha Pastoral and Agricultural Cooperative in Hargeisa District. In his brief opening remarks, the Director General emphasized the Ministry’s commitment to developing cooperatives across Somaliland, strengthening their management and governance, and enhancing their role in economic development and community self-reliance.

3 sawir · photos
13 Oct 2026
Hargeysa- Axad, 11 October 2026 Furitaanka Tababarka Aqoonta Maaliyadeed oo loo qabtay 50 ka mid ah Haweenka Ganacsatada Yaryar ee suuqyada Caasimada Hargeysa

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Ganacsiyada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa ka qaybgalay furitaanka tababar loo qabtay 50 ka mid ah Haweenka Ganacsatada yaryar ee Caasimada Hargeysa, kaas lagu xoojinayo aqoonta maaliyadeed ee haweenka ganacsatada ah, kaas oo ay soo qabanqaabisay Somaliland Women in Finance Initiative (SWIFI), iyadoo kaashanaysa Baanka Somaliland. Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado fahamka haweenka ganacsatada ah ee maamulka maaliyadda, kaydinta lacagta, maaraynta dakhliga iyo kharashaadka, diiwaangelinta xisaabaadka ganacsiga iyo fahamka adeegyada maaliyadeed ee ay heli karaan.

Hargeisa- Sunday, 11 October 2026 – Opening of Financial Literacy Training for 50 Women Small-Scale Entrepreneurs Operating in Hargeisa’s Markets.

The Director of the Department of MSMEs and Cooperatives Development at the Somaliland Ministry of Trade and Tourism attended the opening of a financial literacy training programme aimed at strengthening the financial knowledge and skills of women entrepreneurs. The training was organized by the Somaliland Women in Finance Initiative (SWIFI), in collaboration with the Bank of Somaliland. The training aims to improve women entrepreneurs’ understanding of financial management, savings, income and expense management, business record-keeping, and the financial services available to support their businesses.

3 sawir · photos
24 Sept 2026
Hargeysa, Sabti - 19-September-2026 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Xidhitaanka SME Acceleration Program, oo ay fulisay Telesom Academy.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Xuseen (Jabaake) ayaa ka qaybgalay munaasabad ay Telesom Academy ku soo gabagabaysay SME Acceleration Program, oo lagu taageerayo kobcinta, horumarinta iyo dardargelinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs). Barnaamijkan ayaa ka faa’iidaysanayay hab-raaca caalamiga ah ee International Labour Organization (ILO) – Start and Improve Your Business (SIYB), kaas oo diiradda saaraya horumarinta aqoonta iyo xirfadaha ganacsatada, iyo sidii ay ganacsiyadoodu u noqon lahaayeen kuwo kobca oo waara.

Director General of the Ministry of Trade and Tourism was attended the Closing Ceremony of the MSMEs Acceleration Program Implemented by Telesom Academy.

The Director General of the Ministry of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland attended a ceremony marking the completion of the SMEs Acceleration Program, implemented by Telesom Academy to support the growth, development, and acceleration of small and medium-sized enterprises (SMEs). The programme was based on the International Labour Organization (ILO) Start and Improve Your Business (SIYB) methodology, which focuses on strengthening entrepreneurs’ knowledge and skills and supporting them in building sustainable and growing businesses.

3 sawir · photos
24 Sept 2026
Tog-Wajaale, Isiin 21 September- 2026 Agaasimaha Waaxda horumarinta Ganacsiyada Yaryar, kuwa dhexe iyoo Iskaashatooyinka ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska oo Ka Qaybgalay Munaasabad Shahaadooyin lagu gudoonsiiyey Haweenka Ganacsiyada yar yar ee degmada Wajaale oo tababar dhamaystay.

Agaasimaha Waaxda Ganacsiyada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Cabdilahi ayaa maanta magaalada Tog-Wajaale ee Gobolka Gabiley kaga qaybgalay munaasabad ay soo qabanqaabisay Hay’adda Triple Line Consulting.

Director of the MSMEs and Cooperatives Development Department at the Ministry of Trade and Tourism Attends a Certificate-Awarding Ceremony for Women Small-Scale Entrepreneurs in Wajaale Who Successfully Completed Their Training.

The Director of the MSMEs and Cooperatives Development Department at the Ministry of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland, Mr. Ahmed Mohamed Abdilahi, today attended a ceremony in Tog-Wajaale, Gabiley Region, organized by Triple Line Consulting.

3 sawir · photos
23 Sept 2026
Hargeysa, Axad-20 September-2026, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo ka Qaybgalay Munaasabadda uu Bangiga Wadaag, ku soo bandhigayey Adeegyo maaliyadeed oo uu ugu talogalay ganacsiyada Yaryar ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa kaga qaybgalay kulan uu soo qabanqaabiyey Baanka Wadaag, kaas oo lagaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa maalgelinta iyo qorshaynta ganacsiyada yaryar.

H.E Abdirahman Nur the Minister of Trade and Tourism Attends Wadaag Bank’s Event Showcasing Financial Services for MSMEs in Somaliland

The Minister of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland attended a meeting in Hargeisa organized by Wadaag Bank, which focused on improving access to financing and strengthening business planning for small enterprises.

16 Sept 2026
Khudbada Madaxwayne Ku Xigeenka JSL ee Shirwaynaha Horumarinta Ganacsatada Yar Yar, Dhexe iyo Iskaashatooyinka

Khudbada Madaxwayne Ku Xigeenka JSL ee Shirwaynaha Horumarinta Ganacsatada Yar Yar, Dhexe iyo Iskaashatooyinka

Vice President Speech at the Forum
16 Sept 2026
Khudbadda Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ee Shirwaynaha Horumarinta Ganacsata Yaryar, dhexe iyo Iskaashatooyinka

Hadalka Furitaanka ee Wasiirka

Minister Speech at the forum

Opening speech of the Minister

16 Sept 2026
Soo dhawaynta Madaxwayne Ku Xigeenka, ahna ku simaha Madaxwaynaha JSL ee Shirwaynaha Horumarinta MSME

Soo dhawaynta Madaxwaynaha ee Shirwaynaha Horumarinta MSME

Vice President

Welcome Mr Vice President

14 Sept 2026
Carqaladaha Hortaagan Koboca Ganacsatada

Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka 2026

Obstacles facing the growth of traders

2026 Somaliland Micro, Small and Medium Enterprises and Cooperatives Development Forum