Hargeysa- Axad, 13 October- 2026,Kulanka Wacyigelinta iyo Tababarka Xirfadaha Hoggaaminta, Xallinta Khilaafaadka, Dejinta iyo Dib-u-habaynta Xeer-hoosaadka 27 ka mid ah masuuliyiinta iyo xubnaha Iskaashatada Xoolo-dhaqato-beeraleyda ee Deegaanka Maygaagta, Degmada Hargeysa.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jsl mudane Maxamed Xuseen Aadan (Jabaake) ayaa Hoolka Wasaaradda ka furay tababar ku saabsan hoggaaminta, xalinta khilaafaadka iyo dib-uhabaynta xeerarka iskaashatada. Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Horumarinta Ganacsiyada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka ayaa loo qabtay 27 ka mid ah masuuliyiinta iyo xubnaha Iskaashatada Xoolo-dhaqato Beeraleyda ee Maygaagaha, oo ka tirsan Degmada Hargeysa. Agaasimaha Guud oo madasha hadal kooban ka jeediyey ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay horumarinta iskaashatooyinka dalka, xoojinta maamulkooda iyo kobcinta doorkooda ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo isku-filnaanshaha bulshada.
Dhankiisa, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Ganacsiyada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka Mudane Axmed Maxamed Cabdilahi ayaa xusay in Waaxdu si joogto ah ugu hawlan tahay dib-u habaynta, kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha iskaashatooyinka, gaar ahaan hoggaaminta, maaraynta khilaafaadka, fahamka xeerarka iskaashatooyinka, iyo xoojinta awooddooda maamulka iyo maaraynta howlohooda ganacsi. Kulanka waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Isuduwaha Gobolka Maroodi-jeex iyo xubnaha iskaashatada. masuuliyiinta iyo xubnaha iskaashatada ayaa si weyn ugu mahadceliyey Wasaaradda dadaalka ay ugu jirto horumarintooda, iyaga oo caddeeyey in ay aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ka korodhsadaan ku dabaqi doonaan hawlahooda shaqo. Tababarkani waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ay ku xoojinayso awoodda iskaashatooyinka dalka, si ay u yeeshaan maamul hufan, hoggaamin toolmoon, wada-shaqayn hufan iyo la xoojiyo awoodooda si ay horumar la taaban karo ugu gaadhaan himilooyinkooda dhaqaale, bulsho iyo dagaanba.
Hargeisa- Tuesday, 13 October 2026,Awareness and Training Session on Leadership Skills, Conflict Resolution, and the Development and Revision of the Bylaws of the Maygaagta Pastoral and Agricultural Cooperative in Hargeisa District.
The Director General of the Ministry of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland, Mr. Mohamed Hussein Aden (Jabaake), officially opened a training session at the Ministry’s Conference Hall on leadership, conflict resolution, and the revision of cooperative bylaws. The training was organized by the Department of MSMEs and Cooperatives Development for the leaders and members of the Maygaagaha Pastoral and Agricultural Cooperative in Hargeisa District. In his brief opening remarks, the Director General emphasized the Ministry’s commitment to developing cooperatives across Somaliland, strengthening their management and governance, and enhancing their role in economic development and community self-reliance.
Meanwhile, the Director of the Department of MSMEs and Cooperatives Development, Mr. Ahmed Mohamed Abdilahi, noted that the Department is continuously working to improve cooperatives, strengthen their knowledge and skills, and build their institutional capacity. He highlighted key areas of focus, including leadership, conflict management, understanding cooperative bylaws, and strengthening the capacity of cooperatives to manage their operations and business activities effectively. The event was attended by several directors of departments within the Ministry of Trade and Tourism, the Maroodi Jeex Regional Coordinator, and members of the cooperative. The cooperative’s leaders and members expressed their appreciation to the Ministry for its continued efforts to support their development. They also pledged to apply the knowledge and skills gained from the training in their daily activities. This training is part of the Ministry of Trade and Tourism’s ongoing efforts to strengthen cooperatives across Somaliland, promote transparent and accountable governance, encourage effective leadership and collaboration, and build their capacity to achieve meaningful economic, social, and environmental development.