← Wararka / News
13 Oct 2026

Hargeysa- Axad, 11 October 2026 Furitaanka Tababarka Aqoonta Maaliyadeed oo loo qabtay 50 ka mid ah Haweenka Ganacsatada Yaryar ee suuqyada Caasimada Hargeysa

Soomaali

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Ganacsiyada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa ka qaybgalay furitaanka tababar loo qabtay 50 ka mid ah Haweenka Ganacsatada yaryar ee Caasimada Hargeysa, kaas lagu xoojinayo aqoonta maaliyadeed ee haweenka ganacsatada ah, kaas oo ay soo qabanqaabisay Somaliland Women in Finance Initiative (SWIFI), iyadoo kaashanaysa Baanka Somaliland. Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay in kor loo qaado fahamka haweenka ganacsatada ah ee maamulka maaliyadda, kaydinta lacagta, maaraynta dakhliga iyo kharashaadka, diiwaangelinta xisaabaadka ganacsiga iyo fahamka adeegyada maaliyadeed ee ay heli karaan.

Ka qaybgalka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska wuxuu muujinayaa sida ay Wasaaraddu uga go'an tahay xoojinta awoodda haweenka ganacsatada ah, kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, iyo dhiirrigelinta ka faa'iidaysiga adeegyada maaliyadeed ee horumarin kara ganacsigooda. Tababarkani wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha maamul iyo maaliyadeed ee haweenka ganacsatada ah, si ay u yeeshaan ganacsiyo waara, dakhli wanaagsan leh, isla markaana awood u leh inay ka qayb qaataan koboca dhaqaalaha Somaliland. Gunaanad: Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku waxay soo dhowaynaysaa iskaashiga hay'adaha maaliyadeed iyo kuwa horumarinta ee ka shaqaynaya xoojinta awoodda haweenka ganacsatada ah, iyadoo muhiimad gaar ah siinaysa helitaanka aqoonta maaliyadeed iyo horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe.


English

Hargeisa- Sunday, 11 October 2026 – Opening of Financial Literacy Training for 50 Women Small-Scale Entrepreneurs Operating in Hargeisa’s Markets.

The Director of the Department of MSMEs and Cooperatives Development at the Somaliland Ministry of Trade and Tourism attended the opening of a financial literacy training programme aimed at strengthening the financial knowledge and skills of women entrepreneurs. The training was organized by the Somaliland Women in Finance Initiative (SWIFI), in collaboration with the Bank of Somaliland. The training aims to improve women entrepreneurs’ understanding of financial management, savings, income and expense management, business record-keeping, and the financial services available to support their businesses.

The Ministry of Trade and Tourism’s participation demonstrates its commitment to empowering women entrepreneurs, promoting the growth of micro, small, and medium-sized enterprises (MSMEs), and encouraging the use of financial services that can support business development. This training is part of broader efforts to strengthen the management and financial skills of women entrepreneurs, enabling them to build sustainable businesses, increase their income, and contribute to Somaliland’s economic growth. **Conclusion** The Ministry of Trade and Tourism welcomes collaboration with financial institutions and development partners working to empower women entrepreneurs. The Ministry places particular importance on improving financial literacy and supporting the development of micro, small, and medium-sized enterprises.