← Wararka / News
23 Sept 2026

Hargeysa, Axad-20 September-2026, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL oo ka Qaybgalay Munaasabadda uu Bangiga Wadaag, ku soo bandhigayey Adeegyo maaliyadeed oo uu ugu talogalay ganacsiyada Yaryar ee dalka.

Soomaali

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa kaga qaybgalay kulan uu soo qabanqaabiyey Baanka Wadaag, kaas oo lagaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa maalgelinta iyo qorshaynta ganacsiyada yaryar.

Kulan kan oo ahaa mid muhiim ah oo dhacay Hoolka Bangiga Wadaag ee Caasimadda Hargeysa, ujeedkiisuna ahaa soo bandhigida adeegyo Maaliyadeed oo Baanka Wadaag ugu talogalay Ganacsiyada Yaryar iyo Iskaashatooyinka waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, kulanka oo lagaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa adeegyada maaliyadeed,maalgelinta iyo qorshaynta ganacsiyada yaryar iyo Iskaashatooyinka, waxa hadal kooban ka jeediyey, Wasiir Cabdiraxman Xasan Nuur, Wasiirka ayaa masuuliyiinta iyo madaxda Bangiga Wadaag ku bogaadiyey dardargelinta adeegyada maaliyadeed ee lagu taageerayo horumarinta ganacsiyada yaryar, gaar ahaan fududaynta adeegyada kaydka iyo maalgelinta, sida in ganacsatada loo furo akoonno ay ku kaydsadaan lacagtooda isla markaana ay uga faa’iidaystaan adeegyada maaliyadeed. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu xusay in adeegyada noocan ahi ay si toos ah uga jawaabayaan qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay Shirweynihii Labaad ee Ganacsatada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka, gaar ahaan baahida loo qabo in la xoojiyo helitaanka adeegyada maaliyadeed iyo maalgelinta ganacsiyada yaryar iyo iskaashatooyinka. Kulanka waxa wasiirka ku weliyey Agaasimaha Waaxda horumarinta Ganacsiyada Yaryar, kuwa dhexe iyo Iskaashatooyinka iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda.


English

H.E Abdirahman Nur the Minister of Trade and Tourism Attends Wadaag Bank’s Event Showcasing Financial Services for MSMEs in Somaliland

The Minister of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland attended a meeting in Hargeisa organized by Wadaag Bank, which focused on improving access to financing and strengthening business planning for small enterprises.

The Minister of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland attended a meeting in Hargeisa organized by Wadaag Bank, which focused on ways to improve financing and business planning for small enterprises. In his brief remarks, the Minister commended Wadaag Bank for accelerating financial services aimed at supporting the development of small businesses, particularly by facilitating savings and financing services. These include enabling business owners to open accounts to save their funds while also gaining access to financial services. The Minister also noted that such services directly respond to some of the key recommendations emerging from the Second Somaliland MSMEs and Cooperatives Development Forum, particularly the need to strengthen access to financial services and financing for small businesses and cooperatives. The Minister was accompanied at the meeting by the Director of the Department of MSMEs and Cooperatives Development and several other departmental directors from the Ministry.