Hargeysa, Sabti, 24-ka Oktoobar 2026: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qaybgalay sannad-guuradii koowaad ee Ururka We Invest, oo ka shaqeeya maalgelinta iyo horumarinta haweenka leh ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe. Munaasabadda ayaa lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.
Wasiir Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa khudbad uu ka jeediyey madasha ku sheegay in labadii sannadood ee u dambeeyey Wasaaraddu xoogga saartay horumarinta ganacsiyada yaryar, kuwa dhexe iyo iskaashatooyinka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayey haweenka leh ganacsiyada yaryar. Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu tababbarro lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha ganacsi u qabatay 464 xubnood, kuwaas oo 298 ka mid ahi yihiin haween, una dhiganta 64.2% guud ahaan ka-faa’iidaystayaasha. Tababarradu waxay diiradda saareen maaraynta ganacsiga, xisaabaadka, suuq-geynta, daryeelka macaamiisha, hoggaaminta, xalinta khilaafaadka iyo dib-u-habaynta xeerarka iskaashatooyinka. Waxa uu intaa ku daray in tababarradani qayb ka yihiin dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo awoodda maamul iyo ganacsi ee haweenka iyo ganacsatada kale, laguna abuurayo fursado shaqo, korna loogu qaadayo koboca dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay aaminsan tahay in horumarinta haweenka ganacsatada ahi ay qayb muhiim ah ka yihiin kobaca dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, dhimista saboolnimada iyo kor u qaadista isku-filnaanshaha qoysaska. Sidaas darteed, waxay sii xoojinaysaa dadaallada lagu horumarinayo awoodda haweenka, lagu fududaynayo helitaanka aqoonta iyo xirfadaha ganacsi, laguna dhisayo iskaashatooyin leh maamul hufan iyo awood dhaqaale oo adkaysi leh. Ugu dambayn, Wasaaraddu waxa ka go'an inay sii waddo barnaamijyada lagu taageerayo ganacsiyada yaryar, kuwa dhexe iyo iskaashatooyinka, iyada oo si gaar ah u xoojinaysa ka-qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada, si loo abuuro ganacsiyo casri ah, adkaysi leh isla markaana ka qayb qaata koboca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
Hargeisa, Saturday, 24 October 2026: The Minister of the Ministry of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland attended the first anniversary celebration of We Invest, an organization dedicated to financing and supporting the development of women-owned micro, small, and medium-sized enterprises (MSMEs). The event was held at the Ambassador Hotel in Hargeisa.
Minister Abdirahman Hassan Nur, Minister of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland, stated in his speech at the event that over the past two years, the Ministry has focused on developing micro, small, and medium-sized enterprises (MSMEs) and cooperatives, with particular priority given to women-owned small businesses. The Minister noted that the Ministry had provided business training to 464 participants, of whom 298 were women, representing 64.2% of the total beneficiaries. The training covered business management, accounting, marketing, customer care, leadership, conflict resolution, and the revision of cooperative bylaws. He added that these training programmes form part of the Ministry’s ongoing efforts to strengthen the managerial and business capacities of women and other entrepreneurs, create employment opportunities, and contribute to the growth of the national economy.
Furthermore, the Ministry believes that empowering women entrepreneurs is essential to economic growth, job creation, poverty reduction, and strengthening household self-reliance. Therefore, it continues to intensify its efforts to enhance women’s capacity, facilitate access to business knowledge and skills, and establish cooperatives with transparent governance and sustainable financial capacity. Finally, the Ministry is committed to continuing its programmes to support micro, small, and medium-sized enterprises (MSMEs) and cooperatives, with a particular focus on strengthening the participation of women and youth. These efforts aim to foster modern, resilient businesses that contribute to economic growth and the social development of the Republic of Somaliland.