Tog-Wajaale, Isiin 21 September- 2026 Agaasimaha Waaxda horumarinta Ganacsiyada Yaryar, kuwa dhexe iyoo Iskaashatooyinka ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska oo Ka Qaybgalay Munaasabad Shahaadooyin lagu gudoonsiiyey Haweenka Ganacsiyada yar yar ee degmada Wajaale oo tababar dhamaystay.
Agaasimaha Waaxda Ganacsiyada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Cabdilahi ayaa maanta magaalada Tog-Wajaale ee Gobolka Gabiley kaga qaybgalay munaasabad ay soo qabanqaabisay Hay’adda Triple Line Consulting.
Agaasimaha Waaxda Ganacsiyada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Cabdilahi ayaa Magaalada Tog-Wajaale ee Gobolka Gabiley kaga qaybgalay munaasabad ay soo qabanqaabisay Hay’adda Triple Line Consulting, taas oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayey dufcaddii labaad ee haweenka ganacsatada yaryar iyo iskaashatooyinka ee magaalada Tog-Wajaale. Haweenka Ganacsatada yaryar ee shahaadooyinka lagu doonsiiyey oo ahaa 32 xubnood, kuwaas oo lagu tababaray akhis-qoraalka, Maamulka iyo Maaraynta maaliyada, isticmaalka aaladaha casriga ah ee lacagaha la isugu diro. Munaasabadda muhiimka ah dhankooda waxa ka soo qaybgalay Maayarka Degmada Tog-Wajaale ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mukhtaar, Aw-muuse Maayarka Maamulka Magaalada Tog-Wajaale ee dhinaca Itoobiya, Mudane Maxamuud Yuusuf Aadan iyo masuuliyiin ka socday Triple Line Consulting, oo fulisay mashruucan. Masuuliyiintu waxay bogaadiyeen dadaalka iyo adkaysiga haweenka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista aqoontooda iyo awoodda ganacsiyada Haweenka. dhanka kale, masuuliyiintu waxay xadhigga ka jareen xafiis cusub oo loogu talogalay Isu-gudubka Ganacsiyada yaryar iyo Iskaashatooyinka Haweenka ee Magaalada Tog-Wajaale, kaas oo loogu adeegayo, sidii loo fududayn lahaa isugudubka ganacsiyada yaryar iyo iskaashatooyinka labada dhinac, si loo xoojiyo horumarka ganacsi, yaraynta caqabadaha iyo iskaashiga bulshada labada dhinac ee Magaalada Tog-Wajaale.
Director of the MSMEs and Cooperatives Development Department at the Ministry of Trade and Tourism Attends a Certificate-Awarding Ceremony for Women Small-Scale Entrepreneurs in Wajaale Who Successfully Completed Their Training.
The Director of the MSMEs and Cooperatives Development Department at the Ministry of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland, Mr. Ahmed Mohamed Abdilahi, today attended a ceremony in Tog-Wajaale, Gabiley Region, organized by Triple Line Consulting.
The Director of the MSMEs and Cooperatives Development Department at the Ministry of Trade and Tourism of the Republic of Somaliland, Mr. Ahmed Mohamed Abdilahi, was attended a ceremony in Tog-Wajaale, Gabiley Region, organized by Triple Line Consulting to award certificates to the second cohort of women small-scale entrepreneurs and cooperative members in Tog-Wajaale. The 32 participants -successfully completed training in literacy, financial management, and the use of digital financial tools. The ceremony was attended by the Mayor of Tog-Wajaale District on the Somaliland side, Mr. Mukhtaar Aw-Muuse, and the Mayor of Tog-Wajaale on the Ethiopian side, Mr. Mohamoud Yusuf Aden, along with representatives from Triple Line Consulting. The officials commended the women for their commitment and perseverance, highlighting the importance of strengthening their knowledge and skills to improve and grow their businesses. The officials also inaugurated the Cross-Border Women’s Business and Cooperatives Office in Tog-Wajaale, which will serve MSMEs and cooperatives on both sides of the border and contribute to strengthening cross-border trade, economic development, and community cooperation.